Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted Wednesday at 12:16 PM Off suddenly to Eritareeya after Adeerki threatened to cut the relations with Soomaaliya. Xasan maslaxeys micna lahayn u tagay maanta. Madaxweyne XASAN oo safar qarsoodi ah ugu baxay dibadda Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar qarsoodi ah oo aan horay loo sii shaacin ugu baxay dalka dibaddiisa. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho aan horay loo sii shaacin. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu wada-hadallo toos ah la yeelan doono dhiggiisa Isiask Afwerki oo ay ka wada-hadali doonaan arrimo xasaasi ah. Eritrea oo ciidamo u tababarto Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay saameyn ku lahayd arrimaha Soomaaliya, waxaana kulamadii ugu dambeeyay ay labada dal ku sameysteen iskaashi cusub oo ay ku wajahayaan heshiiska badda ee Itoobiya ee carada dhaliyay. Dhanka kale, Eritrea ayaa haatan saluug ka muujineyso isku soo dhawaanshaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii ay dhowaan ku gaareen magaalada Ankara. Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara. La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea. Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya “Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya. Si kastaba, Eritrea ayaa kamid ah dalalka hadda xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxaana dhowaanahan iskaashi cusub la sameynayay madaxweynaha Xasan Sheekh. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted Wednesday at 12:18 PM Safarada Xasan Socdaal ee dalxiiska ah: Imaaraadka - 10/06/2022 Turkiga - 03/07/2022 Eritareeya - 10/07/2022 Kiinya - 15/07/2022 Jabuuti - 16/07/2022 Masar - 24/07/2022 Ugaandha - 08/08/2022 Tansaaniya - 15/08/2022 Kiinya (2nd time) - 12/09/2022 Mareykanka - 15/09/2022 Ingiriiska - 18/09/2022 (rushed back from Mareykanka for the islaantii aaskeeda) Mareykanka (2nd time) - 20/09/2022 (back to Mareykanka for Qaramada Midoobay sessions) Itoobiya - 28/09/2022 Ugaandha (2nd time) - 08/10/2022 Jabuuti (2nd time) - 22/10/2022 Suudaan - 01/11/2022 Aljeeriya - 02/11/2022 Masar (2nd time) - 06/11/2022 Eritareeya (2nd time) - 10/11/2022 Jabuuti (3rd time) - 08/12/2022 Sacuudiga - 09/12/2022 Mareykanka (3rd time) - 12/12/2022 Talyaaniga - 08/02/2023 Imaaraadka (2nd time) - 22/02/2023 Qadar - 04/03/2023 Eritareeya (3rd time) - 13/03/2023 Jabuuti (4th time) - 15/03/2023 Ugaandha (3rd time) - 18/03/2023 Itoobiya (2nd time) - 14/04/2023 Ugaandha (4th time) - 27/04/2023 Qadar (3rd time) - 17/05/2023 Sacuudiga (2nd time) - 18/05/2023 Imaaraadka (3rd known time) - 21/05/2023 Turkiga (2nd time) - 02/06/2023 Jabuuti (5th time) - 11/06/2023 Mareykanka (4th time) - 20/06/2023 Talyaaniga (2nd time) - 23/07/2023 Jabuuti (6th time) - 22/09/2023 Eritareeya (4th time) - 08/10/2023 Biljam - 24/10/2023 Imaaraadka (4th known time) - 30/10/2023 Sacuudiga (3rd time) - 09/11/2023 Burundi (1st time) - 15/11/2023 Ingiriiska (2nd time) - 19/11/2023 Tansaaniya (2nd time) - 23/11/2023 Imaaraadka (5th time) - 30/11/2023 Jabuuti (7th time) - 08/12/2023 Mareykanka (5th time) - 10/12/2023 Ugaandha (5th time) - 15/12/2023 Kuweyd (1st time) - 19/12/2023 Jabuuti (8th official time) - 28/12/2023 Eritareeya (5th time) - 08/01/2024 Ugaandha (6th time) - 17/01/2024 Masar (3rd time) - 19/01/2024 Qadar (4th time) - 22/01/2024 Talyaaniga (3rd time) - 28/01/2024 Imaaraadka (6th time) - 31/01/2024 Itoobiya (3rd time) - 16/02/2024 Kiinya - (3rd time) - 28/02/2024 Turkiga (3rd time) - 01/03/2024 Eritareeya (6th time) - 17/03/2024 Sacuudiga (4th time) - 02/04/2024 Kiinya (4th time) - 11/04/2024 Tansaaniya (3rd time) - 24/04/2024 Kiinya (5th time) - 29/04/2024 Kiinya (6th time) - 18/05/2024 Kiinya (7th time) - 28-05-2024 Norway (1st time) - 10/06/2024 Iswiserlaan (1st time) - 14/06/2024 Turkiga (4th time) - 16/06/2024 Jabuuti (9th time) - 19/06/2024 Eritareeya (7th time) - 08/07/2024 Rawaandha (1st time) - 12/08/2024 Masar (4th time) - 13/08/2024 Shiinaha (1st time) - 03/09/2024 Eritareeya (8th time) - 09/10/2024 Ugaandha (7th time) - 19/10/2024 Jabuuti (10th time) - 20/10/2024 Kiinya (8th time) - 22/10/2024 Imaaraadka (6th time) - 03/11/2024 Jarmalka (1st time) - 05/11/2024 Sacuudiga (5th time) - 10/11/2024 Tansaaniya (3rd time) - 29/11/2024 Turkiga (5th time) - 11/12/2024 Eritareeya (9th time) - 25/12/2024 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qurac&qansax Posted Wednesday at 01:04 PM it must be related to xariga oo ay jurayaan. xasan baahane, saaxiib ma yaqaan, wuu uga baxay, haduu soo baraarugay, markay dhaheen xarigaan u jaraynaa Eritrea oo shaacisay inay xiriirka u jareyso Soomaaliya haddii ay Itoobiya siiso… | Caasimada Online WWW.CAASIMADA.NET Quote Share this post Link to post Share on other sites