Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
1-5.jpg?resize=1000%2C603&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka soo laabtay safarkiisi dibadda ayaa  maanta soo gaaray  magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha oo muddooyinkii danbe safar ugu maqnaa Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa madaxweyne Deni ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu caawa Garoowe ka daah-furo shir ku saabsan xaaladda abaaraha ka jira Puntland oo uu ka qayb-galayo ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this