Deeq A. Posted July 14, 2022 Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka soo laabtay safarkiisi dibadda ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha oo muddooyinkii danbe safar ugu maqnaa Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Garoowe. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda ayaa madaxweyne Deni ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu caawa Garoowe ka daah-furo shir ku saabsan xaaladda abaaraha ka jira Puntland oo uu ka qayb-galayo ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites