Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo hortagay Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-4.jpg?resize=593%2C395&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland, Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobada 64-aad iyo 32-aad , Xeerka Tacliinta sare, Siyaasadda Waxbarashada, Siyaasadda Waxbarashada Macalinka.

4-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo hortagay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this