Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine Oo Xidhiidhka U Jartay Kuuriyada Waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kiev)-Dowladda Ukraine ayaa xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay Kuuriyada Waqooyi, ka dib markii Pyongyang ay sheegtay inay dalal madaxbannaan u aqoonsaneyso Gobolada Donetsk iyo Luhansk ee bariga dalka Ukraine.

Ruushka ayaa bishii February aqoonsaday Jamhuuriyadda Dadka Donetsk iyo Jamhuuriyadda Dadka Luhansk, maalmo uun ka hor, intii aanu weerarin dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay tallaabada ay Kuuriyada Waqooyi ku aqoonsatay dhul ay sheegtay in Ukraine leedahay, balse uu Ruushku haysto.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Kiev ay jareyso xidhiidhkii diblomaasiyadeed, ee ay la laheyd Pyongyang.

Suuriya oo xulafo la ah Ruushka ayaa hore u sheegtay inay si rasmi ah goboladaasi ugu aqoonsaneyso laba jamhuuriyadood oo ka madaxbannaan Ukraine.

Gulufka millatari ee Ruushku ka wado bariga dalkaasi ayaa waxaa ku wehelinaya xoogag gooni-goosad, kuwaa oo doonaya in ay ka go’aan Ukraine inteeda kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this