Sign in to follow this  
Deeq A.

Caqabaddii heysatay dhalinyarada ku maqan ERITREA oo la xaliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in la xaliyey caqabad heysatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ugu maqan Eritrea, kadib kulan uu la qaatay guddiga waalidiinta ee carruurtaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayey waalidiinta ayaa sheegay inuu xaliyey dhibaato dhalinyaradaas ka heysatay inay lasoo xiriiraan waalidka, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu usoo reebay lacag ay ku iibsadaan kaar, si ay ula soo hadlaan qoysaskooda & ehelladooda.

“Intooda meesha joogta nin walba inuu qoyskiisa lasoo hadlo lacag ay kaar ku iibsadaan ayaan usoo reebay waxaa la xaliyey caqabado ku aadan arrintaas anniga oo rajeynaya maanta ama berri midkood inay soo hadlaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu la dareemayo waalidiinta xanuunka hayo, wuxuuna ballan-qaaday in si deg-deg ah dib loogu soo celinayo dhalinyaradaas dalka.

“Waalidaan ahay, Aabaan ahay carruur leh, awoowaan ahay waan garan karaa macnaha ay ku fadhiyaan iyo xanuunka ay leeyihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynuhu.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu kulanka socday celin waayey dareenkiisa, ayada oo la arki karay inuu ilmada ceshan waayey.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso ayada oo haatan xog buuxda laga helay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea, kadib markii uu booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan safar ku tegay Eritrea.

The post Caqabaddii heysatay dhalinyarada ku maqan ERITREA oo la xaliyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this