Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya wasaaradda Waxbarashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta la xisaabtamaya mas’uuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Madaxda wasaaradda Waxbarashada oo uu hoggaaminayo wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa hortagaya Baarlamanka.

Wasiirka ayaa Baarlamanka ka hor-jeedin doona warbixin ku saabsan shaqada ay u xilsaarantahay wasaaradda iyo horumarka Puntland ka samaysay dhinaca Waxbarashada.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale wasiirka su’aalo ka weydiin doona mas’uuliyadda uu u xilsaaranyahay ee horumarinta Waxbarashada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya wasaaradda Waxbarashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this