Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo maanta ku wajahan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
dani.jpg?resize=961%2C600&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan caasimadda Garoowe kadib markii uu ka soo laabtay safarkii waddanka Imaaraatiga Carbeed iyo Itoobiya.

Madaxweyne Deni oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa shalay la kulmay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya oo ay ku jiraan wasiiro.

Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada Amniga dhaqaalaha iyo isu socodka xuduudka.

Dhinaca kale weli faahfaahin lagama helin safarkii madaxweyne Siciid Deni ee dhinaca Imaaraadka Carabta iyo wixii ay ka wada-hadleen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo maanta ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this