Sign in to follow this  
Deeq A.

Afkii Been Sheegi jiray Hadduu Run baranayaa?…….Siyaasi Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   
AFKII BEEN SHEEGI JIRAY
MA HADUU RUNTA BARANAYAA?
Labada dhinaca hadaabay ku kala baydhsan yihiin kaalinta labada gudoomiye ee Guurtida iyo Wakiiladu ay ku leeyihiin kulanka labadooda dhinac. Mucaaridku waxay ku sheegeen dhexdhexaadin wixii ugu dambaysta ay ku dhexdhexaadiyaan ay labada dhinacba kalsooni siiyeen in ay aqbali doonaan. Balse Kulmiye iyo madaxtooyadu waxay inoo sheegeen in kaalinta odayaashu Baarlamanku ku kooban tahay goobjoogayaal dabcan aan wax talo iyo go’aan midna ku lahayn kulanka. Malaha waxa loo baahan yahay inta aanay halkaa isla dhaagin ay dhinac isugu lugo duwadaan. Ta kale malaha ma jirto shirka cid labada dhinac ah oo qaadaysay minutes-ka. Waa muhiim weliba waa in labada dhinac ay wada saxeexaan minuteska wixii lagu wada hadlay, wixii la isla qaatay, iyo wixii loo balamay kulanka dambe. Labada gudoomiye laftooduna waa in ay helaan nuqul minutes-ka. Hadii kale dhinacba wuxu doono ayuu sheegi karaa. Weliba kuwa beenta looga bartay warkooda lama qaadan karo
293649759_5359350157421151_8942586025798
293765696_5359351000754400_7376003213654

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this