Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Iclaamiyay Goorta Gudida Dhexdhaxadintu Soo Saarayso Go’aamada Wadahadalka  U Socda Xukumadda Muuse Biixi Iyo Xisbiyadda Mucaaradka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Iclaamiyay Goorta Gudida Dhexdhaxadintu Soo Saarayso Go’aamada Wadahadalka  U Socda Xukumadda Muuse Biixi Iyo Xisbiyadda Mucaaradka.

“Wada-hadallada u furmay xisbiyada mucaaradka oo dhan ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeeda oo dhan ah oo ay dhexdhexaadinayaan labada guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/July/2022, waxaa kulan wada-hadal ah foodda isku daray labada Xisbi-mucaarad ee Waddani iyo UCID oo dhan ah iyo Xukuumada iyo xisbigeeda oo dhan ahaa. Waxaa dhegaysanayay doodda labada dhinac guddoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiyaha golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Markii dooddu dhammaatay waxaa labada oday ee dhexda ahaa qabteen ballan kale oo labada dhinac berri isugu yimaaddaan iyo kulanka loo dhanyahay ee Axadda oo la filayo in ay odayada dhexda ahi ku soo saaraan go’aan lagu wada qanco oo gartii la dhegaystay iyo caddaalad ku dhisan.
Insha allaahu guul ayay ku dambayn.”
293724151_1457824798012371_1707431527804

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this