Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Hortay Golaha Wakiillada Maamulkaas

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Goboleedka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha uu uu yeeshay, kaas oo maanta ka qabsoomay xarunta magaalada Gorowe.
Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ( TPEC) Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga, iyo Xoghayaha Guud ee TPEC Marwo Ubax Cabdullaahi Abshir, oo warbixin siiyay golaha
Guddoomiyaha KMG ee TPEC ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira. Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha KMG ah TPEC wax ka weydiiyey arrimaha Doorashooyinka Puntland.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this