Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Oo Maanta Gaadhay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jerusalem)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta gaadhay Israa’iil isaga oo billaabay safar muhiimad sare leh oo uu ku marayo Bariga Dhexe.

Ujeedka ugu weyn ee safarka ayaa ah inuu xulufada Gacanka ku cadaadiyo inay kordhiyaan wax soo-saarka shidaalka la iskuna soo dhoweeyo Sucuudiga iyo Israa’iil.

Biden ayaa laba maalmood ku sugnaan doono Jerusalem, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha Israa’iil kahor inta aanu Jimcaha Daanta Galbeed kula kulmin madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas.

Kadib waxa uu duulimaad toos ah ku tagi doonaa Jeddah, Sucuudiga – isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee sidaas sameeya – wuxuuna Jimcaha wada-hadallo la yeelan doonaa saraakiisha Sacuudiga, isaga oo sidoo kale ka qeyb-gali doona kulan madaxeedka dalalka Khaliijka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in safarka – oo ah kii ugu horreeyey ee Biden uu ku tago Bariga Dhexe isaga oo madaxweyne ah – uu dhalin karo tallaabooyin ku waajahan aas-aasidda xidhiidh ay yeeshaa Sucuudiga iyo Israa’iil, oo ah labada dal ee ugu awoodda badan xulufada Mareykanka ee gobolka.

Safarka ayaa looga dan leeyahay xoojinta xasilloonida gobolka, dheereynta is-dhexgalka Israa’iil iyo dalalka gobolka iyo ka hortigista saameynta Iran iyo Russia iyo China.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this