Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wada-hadalada Muuse Biixi iyo mucaaradka oo bilowday iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah qasriga Madaxtooyada Somaliland uga bilowday wejigii saddexaad ee wada-hadalada u dhaxeeya xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi iyo hogaanka saddexda xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Shirka ayaa ku furmay jawi wanaagsan, ayada oo goobjoog ay ka ahaayeen labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Shirkaan oo xal looga gaarayo xiisada ka dhalatay doorashada Somaliland ayaa waxaa shir-guddoominayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi qaran.

Hogaanka xisbiyada ayaa dhankooda soo jeediyey doodda ay qabaan, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku-xigeenku.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shirka maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho, iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey.

Waxaa loo ballamay in maalinta berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo ka kala socda saddexda xisbi Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Si kastaba, Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi iyo xisbul xaakimka Kulmiye oo dhinac ah ayaa muddooyinkii dambe ka dhex tagneyd xiisad xoogan oo arrimaha doorashooyinka, waxaana muuqata in shirarkaan xal looga gaarayo xiisadaas.
293602884_599169341569307_88946894511166 Somaliland-mucaarad.jpeg?resize=696%2C46 293549357_599169304902644_38042075929610 293671665_599169311569310_21069452896654 mucaaradka-somaliland.jpeg?resize=696%2C 293531030_599169458235962_21092611673129

The post Sawirro: Wada-hadalada Muuse Biixi iyo mucaaradka oo bilowday iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this