Deeq A. Posted July 13, 2022 Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta gaaray Israel isaga oo billaabay safar muhiimad sare leh oo uu ku bixinayo Bariga Dhexe. Ujeedka ugu weyn ee safarka ayaa ah inuu xulufada Gacanka ku cadaadiyo inay kordhiyaan wax soo-saarka shidaalka la iskuna soo dhoweeyo Saudi Arabia iyo Israel. Biden ayaa laba maalmood ku bixin doona Jerusalem, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha Israel kahor inta aanu Jimcaha Daanta Galbeed kula kulmin madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas. Kadib waxa uu duulimaad toos ah Israel uga qaadan doonaa Jeddah, Saudi Arabia – isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee sidaas sameeya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Maraykanka oo booqdanaya Bariga dhexe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites