Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka oo booqdanaya Bariga dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta gaaray Israel isaga oo billaabay safar muhiimad sare leh oo uu ku bixinayo Bariga Dhexe.

Ujeedka ugu weyn ee safarka ayaa ah inuu xulufada Gacanka ku cadaadiyo inay kordhiyaan wax soo-saarka shidaalka la iskuna soo dhoweeyo Saudi Arabia iyo Israel.

Biden ayaa laba maalmood ku bixin doona Jerusalem, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha Israel kahor inta aanu Jimcaha Daanta Galbeed kula kulmin madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas.

Kadib waxa uu duulimaad toos ah Israel uga qaadan doonaa Jeddah, Saudi Arabia – isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee sidaas sameeya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Maraykanka oo booqdanaya Bariga dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this