Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Soo Baxay Wejigii Saddexaad Ee Wada Hadallada Xukuumadda Iyo Mucaaridka Oo Maanta Qabsoomay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa sidii ballankii shalay ahaa si rasmi ah qasriga madaxtooyada uga bilawday wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI. Shirkaasi oo ku furmay jawi wanaagsan, goob-joogna ay ka ahaayeen labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Waxaana shirka furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi qaran, intaa ka dib waxa dhinac-walbaaba uu soo jeediyey doodda uu qabo, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha Qaranka, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeenku.

Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo  ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

FB_IMG_1657710961945-1.jpg FB_IMG_1657710954307.jpg FB_IMG_1657710942767.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this