Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda u sarraysa dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Xamse-Sacdiyo.png?resize=478%2C355

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sida warar lagu kalsoonyahay sheegayaan waxay kulan gaar ah ka yeesheen Shaqaadadii maalin ka hor ka dhacday magaalada Boosaaso.

Kulanka labada mas’uul waxaa sidoo kale ka qayb-gashay, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Sacdiya Salaad oo safarkeedii Boosaaso uu sabab u noqday dhacdadii khasaaraha dhalisay.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu ay ka codsadeen Sacdiya Salaad in aysan Warbaahinta uga hadlin wax khuseeya dhacdadii Boosaaso, si aysan saamayn ugu yeelan xiriirka dowladda Federaalka iyo Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka Taleefonka kula hadlay Madaxweyne Siciid Deni ayaa uga tacsiyeeyay Shaqaaqadii Khasaaraha sababtay ee ka dhacday Boosaaso, islamarkaana u sheegay in uu dhowaan safar ku imaan doono Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxda u sarraysa dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this