Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni iyo Xasan Abgaal oo kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   
DENI-ABGAAL.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa shalay soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya kadib markii uu ka soo laabtay safarkiisi dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni ayaa Addis Ababa ugu yimid wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo isna ka soo laabtay dalka Sweden oo uu muddooyinkii danbe safar ugu maqnaa.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Siciid Deni iyo Xasan Abgaal ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen kulan qarsoodi ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee ka aloosan Puntland.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa in madaxweynaha iyo wasiirku si gaar ah kulankooda diiradda ugu saareen go’aankii Baarlamanka Puntland ku diiday Maxkamadda sare iyo sidoo kale shaqaaqadii Boosaaso.

Madaxweyne Deni iyo wasiir Xasan Abgaal ayaa sidoo kale la filaya in ay saacadaha soo socda Garoowe yimaadaan si ay u sii wadaan kulamada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni iyo Xasan Abgaal oo kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this