Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC oo saaka hor-tegaya Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhiga 19-aad ee Kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka furmo kadib markii Xildhibaannadu ka soo laabteen Fasaxii Ciidda Carrafo.

Fadhiga Baarlamanka ayaa waxaa saaka hor-imaanaya Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC sida lagu wargeliyay Xildhibaannada Golaha Wakiilada.

Guddiga ayaa Fadhiga Baarlamanka ka jeedin doona Warbixin ku saabsan Barnaamijka ay u xilsaaran yihiin ee Hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan ee qof iyo cod.

Xildhibaannada Baarlamanka sidoo kale Guddiga su’aalo ka weydiin doona Barnaamijka Hirgelinta Hannaanka xisbiyada badan ee Puntland iyo dhaliisha ka jirta Shaqada Guddigaas.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC oo saaka hor-tegaya Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this