Deeq A. Posted July 12, 2022 Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan. Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamul gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa wareegta ka soo baxday xafiiskiisa ku sheegay in guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen uu u magacaabay degmada Jalalaqsi. Nuur Maxamed Muuse, ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, halka guddoomiye ku-xigeen loo magacaabay Cabdi Cabdullahi Xasan. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites