Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: NISA oo howlgal culus ka fulisay Heliwaa iyo Kaxda + UJEEDKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo xalay ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo uu ujeedkiisu ahaa mid amni xaqiijin ah.

Howlgallada ayaa si gaar ah looga sameeyey degmooyinka Heliwaa iyo Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro oo lagu eedeynayo amni darro.

War kasoo baxay hay’adda NISA ayaa waxaa lagu faah-faahiyey howlgalladaasi, waxayna hay’addu sheegtay inay heshay xog amni, kadibna uu dhacay howlgal qorsheysan.

“Ciidamo hubeysan oo ka tirsan hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha howlgalka, kadib markii ay heleen xuuraan sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortago,” ayey tiri hay’adda NISA.

Sidoo kale waxa ay hay’addu intaasi ku dartay in wax khasaare ah uusan ka dhalan howlgalladan, isla-markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.

“Howlgalladan oo qaatay saacado ayaa kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyay, ayada oo uusan dhicin khasaare ka dhashay,” ayaa markale lagu yiri qoraalka hay’adda NISA.

Ugu dambeyn hay’adda Nabad Sugidda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna lasoo wadaagaan xogta ay hayaan.

Howlgallan ayaa qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay dowladdo ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagula dagaalamyo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

FB_IMG_1657614643055.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657614639234.jpg?resize=696%2C39 FB_IMG_1657614629979.jpg?resize=696%2C39

The post Sawirro: NISA oo howlgal culus ka fulisay Heliwaa iyo Kaxda + UJEEDKA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this