Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Eritrea Oo Kala Saxeexday Heshiis Is-Afgarad Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Asmara)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad ah oo khuseeysa iskaashiga laba geesoodka ah ee siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, deegaanka, difaaca iyo amniga.

Labada madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay nabadda iyo horumarka Soomaaliya u leedahay is-dhexgalka dhaqaalaha gobolka geeska Afrika.

Iyagoo ka duulaya xidhiidhka ka dhexeeya Ereteriya iyo Soomaaliya, ayay madaxweynayaasha labada waddan isku raaceen qodobadan hoose:-

1. In la horumariyo xidhiidhka ka dhexeeya labada shacab oo ay ku jiraan Qurbajoogta.

2. Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si ay u ilaashadaan una horumariyaan danahooda qaran.

3. In la ballaadhiyo iskaashiga dhaqaale iyo bulsho iyadoo xoogga la saarayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka, iyo waxbarashada.

4. Kobcinta hawlaha dhaqanka, farshaxanka iyo ciyaaraha iyo sidoo kale iskaashiga sayniska iyo farsamada.

5. Horumarinta iskaashiga si loo ilaaliyo loona wanaajiyo deegaanka iyo wax ka qabashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.

6. In sare loo qaado iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida, iyo amniga.

7. In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo hormarin lahaa xidhiidhka wanaagsan, iskaashiga, iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

291936231_5201179279937561_2865305150118

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this