Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo jeeda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo jeeda caasimadda Muqdisho, kadib booqasho qaadatay afar maalin uu ku joogay dalka Eretria.

Xasan Sheekh ayaa intii uu joogay dalka Eretria, waxa uu kormeeray ciidamo Soomaaliyeed, oo tababar u jooga Asmara, isagoo kulama la qaatay mas’uuliyiinta dalkaas oo uu ugu horeeyo madaxweyneha  Eretria, Isaias Afwerki.

Gabagabadii safarka labada dhinac ayaa saxiixay warmurtiyeed ka kooban todoba qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen xoojinta xiriirka labada dhinac, sida amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimo kale.

Haddaba halkaan ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran.

  1.  Dhiirageliyo xiriirka bulsho ee labada dhinac, gaar ahaan qurbojoogta.
  2.  xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo midka diblomaansi ee ka wada shaqaynta, ilaalinta iyo horumarinta danaha labada dal.
  3. Balaarinta wadashaqaynta xiriirka dhaqaale iyo midka bulsheed, iyada oo ahmiyadda la siinayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kaluumeysiga, caafimaadka iyo  waxbarashada.
  4. Dhiiragelinta dhaqanka, suugaanta iyo ciyaaraha iyo sidoo kale wadashaqayn la xiriirta xagga cilmiga iyo teknoolojiyadda.
  5. Kawada shaqaynta, ka hortagga iyo kor u qaadista wacyigelinta la xiriirta  Deegaanka, Cimilada iyo cudurada faafa.
  6. Kawada shaqaynta kor u qaadidda difaaca, amniga iyo ilaalinta nabadda, xasiloonida iyo Amniga.
  7. Isku dayga in si wadajir ah loo horumariyo xiriirka diiran, wadashaqaynta iyo dhaqaalaha ee gobalka geeska afrika.
  8. 293227178_180365357787603_53865779895597

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this