Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo heshiis cusub la saxiixday ERITREA

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta heshiis cusub oo is af-garad ah magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea kula saxiixday dhigiisa dalkaasi, Mudane Isaias Afwerki.

Heshiiskan oo ka kooban ilaa 7 qodob ayaa ku qotoma xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya labada wadan ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda dalka Eritrea  ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay ku heshiyeen iskaashi ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqanka, dhaqaalaha, deegaanka iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale qodobada kale ee muhiimka ah ee ku jira heshiiskan waxaa ka mid ah arrimaha difaaca iyo amniga oo muhiim gobolka Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadiisu ay qaadatay dhowr cisho ayaa maanta soo gabagabeynaya, waxaana ujeedadiisa ugu weyn ay aheyd ka war doonka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaasi.

Xasan Sheekh ayaa xeradooda ku booqday ciidamadaas iyo sidoo kale kuwa badda ee tababarka ku qaadanaya dhulka buuraleyda ee dalka Eritrea.

Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi, waxaana si aad ah si aad ah u soo dhaweeyey waalidiinta dhalinyarada ku maqan dalkaasi oo ku farxay markii laba sano kadib arkeen muuqaalka wiilashooda oo uu xerada ku booqday madaxweynaha Somalia.

1.jpg?resize=696%2C962&ssl=1FXctRqEWAAE3zS9.jpg?resize=696%2C722&ssl FXctSGrXkAAA7na.jpg?resize=696%2C545&ssl

 

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo heshiis cusub la saxiixday ERITREA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this