Deeq A. Posted July 12, 2022 Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan waddanka Imaaraatka Carabta ayaa dad ka agdhow u sheegay in Puntland ay ku jirto xaalad siyaasadeed islamarkaana uu dib ugu laabanayo Jimcaha ka hor. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka aloosan gudaha Puntland iyo guuxa ka dhex jira xildhibaannada Baarlamanka. Wararka qaarkood waxay sheegayaan in madaxweynuhu maalinta berri ah dib ugu laaban doono Garoowe halkaas oo uu ka bilaabayo kulamo lagu dejinayo xaaladda jirta. Xallinta dhacdadii Boosaaso oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababtay ayaa sidoo kale sugaysa madaxweynaha si aysan saamayn danbe ugu yeelan xaaladda Amniga Boosaaso. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites