Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku dilay 12 ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in howlgal qorsheysan ciidamada Xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaanka Bukure oo hoostaga degmada Maxaas oo ka tirsan gobolkaasi.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayey taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad Maxamed Xasan Ibraahim (Baakaay) wuxuuna sheegay inay ku dileen illaa 12 ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi, kadib dagaal ka dhacay duleedka degmada Maxaas.

Sidoo kale taliyaha ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen saldhiggii ugu weynaa ee ay Al-Shabaab ku laheyd deegaankaasi, kadibna ay khasaaraha ku gaarsiiyeen dagaalka.

Baakaay ayaa xusay in ujeedka howlgalladan uu yahay, sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, loogana saari lahaa deegaanada ay kaga sugan maamulka HirShabelle.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada milatariga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa ciidamada dowladda waxa ay kordhiyeen howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku dilay 12 ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this