Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul wasaare Xildhibaannada laga soo doorto Puntland iyo Ra’iisul wasaare Xamse?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Puntland ayaa xalay kulan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Kulanka oo ahaa mid xiran ayaa xildhibaannadu kala hadleen Ra’iisul wasaare Xamse sidii loo soo qaadi lahaa dadkii ku dhaawacmay dhacdadii shalay ee magaalada Boosaaso.

Wararku waxay sheegayaan sidoo kale in xildhibaannadu ay khadka taleefonka kula hadleen madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka islamarkaana kala hadleen in dhacdadii Boosaaso.

Xildhibaannada ayaa Siciid Deni iyo Axmed Karaash ka codsaday in xal lagu dhammeeyo arrinta islamarkaan aysan saamayn ku yeelan xiriirka dowladda Federaalka iyo Puntland.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul wasaare Xildhibaannada laga soo doorto Puntland iyo Ra’iisul wasaare Xamse? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this