Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo berriya yeelanaya fadhigiisi u horreeyay kadib fasaxii ciidda Carrafo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay maalinta berriya yeeshaan fadhigoodii ugu horreeyay kadib fasaxii ciidda Carrafo.

Baarlamanka Puntland oo ku guda jira Kal-fadhiga 50-aad ayaa muddooyinkii u danbeeyay waday la-xisaabtanka xukuumadda waxaana golaha horyimid wasaarado kala duwan.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sida wararku sheegayaan riixaya in loo yeero madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka si wax looga weydiiyo xaaladda ka jirta Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa hadda ku maqan safar dalka dibaddiisa gaar ahaanna waddanka Imaaraatka Carabta.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo berriya yeelanaya fadhigiisi u horreeyay kadib fasaxii ciidda Carrafo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this