Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Kormeeray Ciidanka Badda Ee Lagu Tababarayo Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas, waxaana ay qeyb ka yihiin kumaanaan ciidan oo dalkaas ay tabar u gaysay dowladdii hore.
Kormeerkan ayuu madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda ciidanka badda ee tababbarka ku qaadanaya dalka Ereteriya kuwaas oo uu u rajeeyey in ay kaalin muuqata ka qaataan howgalada amni ee ka socda dalka, ciidankan ayaa sameeyey dhoolatus ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha, isaga oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamadan ayaa ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go’an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey ahmiyadda qaran ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda tayadooda, si loo xaqiijyo xoreynta dalka, loogana dulqaado dadka iyo mandiqaddaba qatarta argagixisada ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this