Deeq A. Posted July 11, 2022 Wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha Puntland ayaa ka hadlay shaqaadaqii maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhacancad ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka gacan-dhaaf, kaddib markii mas’uuliyiin ka tirsan ay qorsheeyeen iyadoo ogayn maamulka ka dagaan magaalada Boosaaso. “Saaka anagoo wax war an hayna waxaa soo dhacay macluumaad sheegaya in diyaarad sida alaab gargaara ay ka dagayso magaalada Boosaaso, runtii xogtaasina ay ku timid markii ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee sida gaarka ah loo maamulo ay yimaadeen garoonka, iyagoo leh diyaarad baa imanaysa oo aan rabnaa in aan alaab iyo mas’uuliyiin la socota ka soo dejino. Dagaal dheer kaddib diyaaradii si nabad ah bay ku timid, shadaalkeena ku qaadatay, dibna ugu laabatay” ayuu yiri Wasiir Dhancad. Wasiir Dhacancad ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kala shaqayso sidii wax looga qaban lahaa arrimaha abaaraha iyo amniga. Dhanka kale Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Gallan ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay afaafka hore garoonka Boosaado ka bilowday is fahanwaa dhexmaray ciidamada amniga garoonka iyo ciidamada PSF oo doonayay in ay gudaha u galaan garoonka. Wasiir Gallan wuxuu sheegay in ay mamnuuc ka tahay garoomada diyaaradaha Puntland in ay gudaha u galaan ciidamo wata tikniko, sidaas darteedna ciidamada PSF looga hor-istaagay. Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in ciidamadii dagaalamay la kala qaaday, haddana xaaladdu degan tahay. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hadashay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites