Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16575419646928028.jpg?resize=720%

Ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay dagaalkii maanta ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Sidoo kale ilaa 2 qof oo shacab ah ayaa dhaawacyadooda la geeyay isbitaallada magaaalada Boosaaso, kuwaas oo ku waxyeelo ka soo gaartay dagaalka ciidamada Puntland.

Dagaalku wuxuu bilowday kaddib markii ciidamada PSF ay isku dayeen in ay gudaha u galaan garoonka oo loo diiday in ay ka soo degto diyaarad ay wadatay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Xildhibaan Sacdiyo oo waday gargaar yar oo dowladda federaalka Soomaaliya u soo dirtay Puntland, ayaa markii dambe dib ugu laabatay magaalada Muqdisho, kaddib markii diyaaradii ay wadatay loo ogolaaday in ay shidaal ka qadato garoonka Boosaaso, iyadoo aan wax shixnad ah dejin.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa hadda ah kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay dalka ka wada maqan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

PUNTLAND POST

The post Wararkii ugu dambeeyay ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this