Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo is hortaag ku sameysay ku simaha madaxweynaha iyo dagaal ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta diyaarad ay la socotay ku simaha madaxweynaha, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samayar oo is hortaag lagu sameeyey ay ugu dambeyn ka degtay garoonka magaalada Boosaaso.

Sida ay ogaatay Caasimada Online amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu celiyey diyaaraddaas, balse markii dambey ay degtay markii ay weysay shidaal ku filan.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Sacdiyo Yaasiin oo haatan dalka ka ah ku sime madaxweyne in aysan marka hore socdaalkeeda ku wargelin Puntland, taas oo sababtay in Puntland ay soo saarto go’aankan oo xiisad xoogan ka abuuray Boosaaso

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay shaqaaqo xoogan, waxaana lagu soo warramayaa inuu iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso oo u dhexeeyey ciidamada Puntland, gaar ahaan ciidamo doonayey inay soo degto Sacdiya iyo kuwa fulinayey amarka soo baxay.

Diyaaradda ayaa sidday gargaar bani’aadanimo, waxaana ay ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa weli kacsan,ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland iyo dhanka dowladda federaalka oo ku aadan dhacdadaasi.

Faah-faahinta kala soco:Caasimada.net

The post Puntland oo is hortaag ku sameysay ku simaha madaxweynaha iyo dagaal ka dhashay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this