Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Soomaaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanno ka tirsan Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
kumaandoos.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa degmooyin ka tirsan Gobolkaas ka sameeyay hawlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa qortay in hawlgalkaas laga fuliyay inta u dhexaysa degmooyinka Doolow iyo Luuq oo ka tirsan Gedo.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab hawlgalkaa khasaar xooggan lagu gaarsiiyay islamarkaana looga qabsaday degaano dhawr ah.

Degaannada Al-shabaab laga saaray waxa kamid ah Shaatalow oo u dhexeeya degmada Luuq iyo degaanka Geedweyne sida ay sheegeen saraakiisha.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Soomaaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanno ka tirsan Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this