Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Warar Ay Baahisay Warbaahinta Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war uu 9-kii bishan baahiyay wargayska The Times of Israel, kaasoo lagu sheegay in xubno ka socday maamulka Somaliland ay ka qeyb galeen shir ay soo agaasintay Israel oo lagu qabtay dalka Faransiiska bishii May ee sanadan 2022.

“Warar aan Sal iyo Raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay Wargayska the Times of Israel kaas oo ay  ku sheegeen wargaysa  in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa .

Waana been cad oo marag ma doona Wasiirka Wasaradda Gaashaandhiggu JSL Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)  waxa uu Mudooyinkii u dambeeyay ka Shaqaynayay hawlaha Qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudada 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay in  uu shirka ka qayb galay Wasiirku waxa uu ku mashquulsanaa qaban qaabada  Xuska maalinta Qaran ee 18may.

Wararka noocaan ah  waxa loogu talagalay in sumcada Qaranka JSL lagu waxyeeleeyo.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this