Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka qayb-gashay Shirweynaha Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1657453354286.jpg?resize=717%2C63

Kampala – Uganda, Luulyo 2022: Guddomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Said Mumin ayaa ka qayb galay furitaanka shirweynaha Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Afrika (African Human Rights Defenders) oo ka furmay magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Shirweynaha AHRDs oo 3 maalmood socday, waxaa looga wada hadlay xaaladaha guud ee Xuquuqda Aadanaha wadamada Afrika iyo caqabadaha soo waajaha Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha iyo Dhaq-dhaqaaqyada bulshada . Waxaa sidoo kale lagaga wadahadlay xiriirka & wadashaqaynta Difaacayaasha ee kor u qaadida xuquuqda aadanaha iyo ka hortagga xadgudubyada/tacaddiyadda ka dhan ka ah xuquuqda aadanaha.

Guddoomiyaha oo shirka ku matalayay Soomaaliya, waxay Difaacayaasha Afrika is weydarsadeen xogaha, dhacdooyinka , caqabadaha iyo xaaladaha xuquuqda aadanaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Inta uu shirku socday Guddoomiyuhu wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda shirka isugu timid si loo xoojiyo xiriirka Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland la leeyahay Xafiisyada Xuquuqda Aadanaha ee Waddamada Afrika.

Waxaa shirka soo agaasimay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Uganda UHRC, waxana kasoo qayb galay Difacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Afrika.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka qayb-gashay Shirweynaha Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this