Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho wadareed ka dhacday Dal Africa ku yaalla

Recommended Posts

Deeq A.   

Toogasho ka dhacday Dalka Koonfur Afrika

toogasho.jpg

Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Soweto ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa sidoo kale toogashadan ku dhaawacmay 10 qof oo kale.

Taliyaha booliska gobolka Gauteng, Elias Mawela, ayaa sheegay in ciidamada dambi baarista ay gaareen goobta uu weerarka ka dhacay oo ah deegaanka Nomzano Tavern oo dhaca duleedka Johannesburg.

Wuxuu intaa ku daray in tiro dad ah ay galeen baarka isla markaana ay bilaabeen inay toogtaan dadkii goobta ku caweynayay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this