Deeq A. Posted July 10, 2022 Gotabaya Rajapaksa oo ah madaxweyanaha dalka Sri Lanka ayaa wajahaya cadaadis bulsho kadib marki ay kumanan dadka reer Sri Lanka ay isugu soo baxeen hoygiisa. Sawirada iyo muuqaalada ay duubeen warbaahinta ayaa muujinaya shacabka Sri Lanka, oo gudaha u galay qasriga madaxweynaha. Madaxweyanaha ayaa dhankiisa sheegay in uu iska casilayo xilka madaxweynanimada dalkiisa todobaadkaan inta lagu gudajiro. Rajapaksa ayaa baarlamaanka dalkiisa ku wargeliyay in uu xafiiska baneynayo 13-ka bishaan July, kadib rabshado ka dhacay dalka dhaca koonfur qaaradda Asia. Shacabka dalka Sri Lank, ayaa sidoo kale gubay guriga ra’iisulwasaaraha dalkaas, xilli ay cirka isku sii shareerayaan banaabaxyada ka dhanka ah xukuumadda madaxweyne Gotabaya Rajapaksa . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites