Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha waddanka Sri Lanka oo sheegay in uu is casilayo

Recommended Posts

Deeq A.   
4-2.jpg?resize=624%2C351&ssl=1

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu xilka ka degayo 13-ka bishan July kadib dibadbaxyadii rabshadaha harreeyay ee dalkaasi ka dhacay

Guddoomiyaha baarlamaanka Sri lanka Mahinda Yapa Abeywarden ayaa lagu wargeliyay is casilaadda madaxweynaha.

Dadweyne careysan ayaa shaley xoog ku galay guriga madaxweynaha, waxay codsanayeen in uu xilka banneeyo, waxay ka careysnaayeen dhaqaale xumida daran ee saameysa Sri Lanka.

Dibaxbayaasha ayaa shaley dab qabadsiiyay guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Sri Lanka ka codsatay in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xasaradaha dhaqaale ee ka taagan waddankooda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha waddanka Sri Lanka oo sheegay in uu is casilayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this