Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   
1-3.jpg?resize=660%2C452&ssl=1

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad booqasho ku jooga magaalada Asmara ee xarunta waddanka Eritrea.

Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqashadiisa Asmara ayaa sida la xaqiijiyay ku saabsan xoojinta Xiriirka labada dal, iskaashiga, qiimeynta iyo xaalada kumanaan kun oo Ciidamo Soomaali ah oo dalkaas lagu tababarayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xusuustaa sida uu u dhaliili jiray dowladda Eritrea, markii dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo uu xiriir dhow la yeeshay Isaias Afwerki.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Eritrea appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this