Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha Amniga Muqdisho oo gacanta ku dhigay burcad hubaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha Amniga degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa xalay hawlgal qorshaysan ku qabtay burcad hubeysan ah oo dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan degmadaas.

Qoraal ka soo baxay maamulka degmada Dayniile ayaa looga hadlay hawlgalkaas lagu qabtay burcadda hubaysan oo qaarkood ku labbisnaa dharka ciidamada dowladda.

“Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa kafulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxda gacanta lagu dhigay oo gaarayay 5 dhalinyaro ah ayaa waxa cabasho ka keenay shacabka xaafadaha degmada Dayniile sida uu sheegay maamulka degmadaas.

PUNTLAND POST

The post Laamaha Amniga Muqdisho oo gacanta ku dhigay burcad hubaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this