Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii gurigiisa xoogga lagu galay oo is casilaya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu xilka ka degayo 13-ka bishan July kadib dibadbaxyadii rabshadaha hadheeyay dalkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Mahinda Yapa Abeywarden ayaa lagu wargeliyay is casilaadda madaxweynaha.

Dadweyne cadheysan ayaa shaley xoog ku galay guriga madaxweynaha, waxay codsanayeen in uu xilka banneeyo, waxay ka cadheysnaayeen dhaqaale xumida daran ee saameysa Sri Lanka.

Dibaxbayaasha ayaa shaley dab qabadsiiyay guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Sri Lanka ka codsatay in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xasaradaha dhaqaale ee ka taagan waddankooda.

Waxaa lagu dhawaaqay in madaxweynaha Sri Lanka, Gotobaya Rajapaksa, uu xilka iska casili doono maalinta Arbacada ah.

Go’aankaas ayaa yimid kaddib markii ay dad mudaharaadeyaal ah la wareegeen hoygiisa rasmiga ah, sidoo kalena dab qabadsiiyeen guriga Raysul Wasaaraha

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this