Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka ka danbeeyay Dilka Ra’iisal-wasaarihii hore ee Japani Shinzo Abe oo shaaciyey sababtuu u toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninka ka danbeeyay Dilka Ra’iisal-wasaarihii hore ee Japani Shinzo Abe oo shaaciyey sababtuu u toogtay

Ninka lagu tuhunsan yahay dilka Shinzo Abe

Booliska baaraya dilka Raysul Wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe, ayaa sheegay in ninka loo qabtay falkaas uu ciil u qabay “urur gaar ah”.

Ninka oo ah 41 jir magaciisa lagu sheegay Tetsuya Yamagami, ayaa rumaysnaa in Abe uu ka tirsanaa ururka uu ciilka u qabay, taasina ay ku dhalisay inuu toogto.

Lama shaacin magaca ururkaas.

Abe ayaa ku geeriyooday cisbitaal loola cararay kadib markii ay rasaastu haleeshay xilli uu ku jiray olole siyaasadeed.

Booliska ayaa sheegay in Tetsuya Yamagami uu qirtay dilka Raysu Wasaaraha hore oo uu u adeegsaday qori tumaali ah.

Meydka Shinzo Abe ayaa la geeyay gurigiisa ku yaalla Tokyo
Meydka Shinzo Abe ayaa la geeyay gurigiisa ku yaalla Tokyo

Shinzo Abe ayaa noqday Raysul Wasaarihii ugu mudada dheeraa ee dalkaas ka taliya, waxaana dilkiisa uu argagax ku riday Japan oo aanay inta badan ka dhicin weerarrada hubka loo adeegsado.

Rasul Wasaaraha hadda xilka haya ee Japan, Fumio Kishida, ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida Abe, waxaana uu wacad ku maray in dimuqraadiyadda dalkiisa “aan lagu cabsi gelin doonin rabshad”.

Booliska ayaa weli baaraya in ninka uu keligii falkaa geystay iyo sababta keentay in Abe si gaar ah loogu beegsado.

Ninka la tuhunsan yahay oo daba taagan Abe

Is dhiibidda ninka

Shinzo Abe ayaa magaalada ku taalla koonfurta Japan ee Nara ka jeedinayay khudbad siyaasadeed oo uu ku taageerayay musharrax xilliga dhabarka laga toogtay.

Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in ninka oo watay qori weyn uu tallaabooyin u soo jirsaday Abe, kadibna uu ku riday laba xabbadood. Raysul Wasaaraha hore ayaa dhulka ku dhacay, waxaana goobta hareeyay argagax iyo kala yaac.

Sawirro la baahiyay ka hor inta aanu weerarka dhicin ayaa muujinaya ninka la tuhunsan yahay oo gadaal ka taagan Abe xilliga uu khudbada jeedinayay.

Askar goobta ku sugnayd ayaa markiiba gacanta ku dhigay ninkaas oo aan samayn wax isku-day ah oo uu goobta uga baxsanayo.

Qoriga lagu toogtay Abe ayaa ka samaysan bir iyo alwaax la isugu dhajiyay sharooto, sida uu shaaciyay booliska Japan.

Guriga ninka la tuhunsan yahay ayaa markii dambe laga helay hub noocaas ah iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxa.

Dilka Shinzo Abe

Rasaasta ayaa Abe kaga dhacday qoorta iyo xabadka, waxaana markii hore uu ahaa mid miyirkiisu joogo, balse waxa uu miyir daboolmay markii la geeyay cisbitaalka.

Hawlwadeennada caafimaadka ayaa si weyn ugu dedaalay inay badbaadiyaan Raysul wasaaraha hore, waxaana lagu shubay dhiig badan, balse waxa uu geeriyooday 5.03 galabnimo waqtiga Japan.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ka fal celiyay dilka naxdinta leh ee loo gaystay Raysul Wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe.

Xitaa gudaha Japan, Raysul Wasaaraha hadda xilka haya, Fumio Kishida, ayaa toogashadii ka dhacday isusoobaxa siyaasadeed ku tilmaamay fal arxan darro ah oo aan la hilmaami karin.

Hase yeeshee afhayeenkiisa ayaa sheegay in xisbigiisa uu sii wadi doono dadaalka uu ugu jiro ololaha doorashada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this