Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo beenisay hadal uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo ahaa in Al-shabaab ay maalgeliyaan ururro ka dagaallama Mozambique iyo Nigeria.

Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in hadalkaas uu yahay mid lagu qoslo islamarkaana aysan waxba ka jirin in Al-shabaab  maalgeliyaan ururro ka dhisan Mozambique iyo Nigeria.

Hadalkaas ayaa sidoo kale kooxdu ku tilmaantay mid lagu qarinayo karti-xumada iyo waxqabad la’aanta dowladda Xasan Sheekh oo wax u qaban weyday malaayiin Soomaaliyeed oo la tabaalaysan abaaro ba’an.

Al-shabaa ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku eedaysay in uu fulinayo qorshe midaysan oo Itoobiya Imaaraatiga Carbeed iyo Turkigu ku doonayaan boobka dhulka iyo hantida Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo beenisay hadal uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this