Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin laga bixiyay halka uu marayo Qorshaha Ciidamada Soomaaliya loogu wareejinayo Amniga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Calas.png?resize=727%2C413&ssl=1

Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee fadhigoodu yahay waddanka Itoobiya, ayaa Faah-Faahin ka Bixiyay halka uu marayo qorshaha ku saabsan in Amniga dalka lagu wareejiyo ciidamada xooga  dalka iyo wafuud ka tirsan Midowga Afrika oo ku soo fool leh magaalada Muqdisho.

Kusimaha Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya danjire, Shaafici Nuur Calas Faarax,ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan wefdi baallaaran oo ka socda Midowga Afrika, gaar ahaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ,kuwaas oo gacanta ku haya qorshaha la wareegidda ciidanka Xoogga dalka ee Amniga Qaranka.

Danjiraha ayaa sheegay in wufuuddan oo dalka imaanaya bishaan July gudaheeda ay la kulmaan wakiilo kala duwan oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiilada beesha caalamka iyo taliska guud ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qorshahaas ayaa la hor geeyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa, iyadoo si gaar ah loogu xil saaray in ay arrintaan ka wada shaqeeyaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Africa iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaysa Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa u qaabilsan Dawladda Soomaaliya daba galka, socodsiinta iyo fulinta qaraaradii laga gaaray arrintan, kuwaas oo intooda badan laga yeeshay is afgarad salka ku haya in laga dhabeeyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya gebi ahaanba ula wareegi lahaayeen Amniga dalka.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin laga bixiyay halka uu marayo Qorshaha Ciidamada Soomaaliya loogu wareejinayo Amniga dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this