Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Twitter oo tirtiraysa malaayiin akoono oo been abuur ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta sare ee shirkadda Twitter-ka ayaa laga soo xigtay in ay maalin kasta tirayaan in ka badan 1 milyan oo akoono been abuur ah.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, ka dib dhaleecayn xooggan oo uga timi maalqabeenka Elon Musk oo doonaya inuu si rasmi ah u dhamaystiro heshiiskiisa uu ku iibsanayo shirkadda Twitterka.

Mr. Elon Musk  ayaa ka biyo diidsan  tirada akoonnada been abuurka ah ee shirkadda u diiwaan gashan, wuxuuna doonayaa in tiradaas wax laga qabto.

Shirkadda Twitterka ayaa ku doodaysa in akoonnada been abuurka ah in ay ka yar yihiin illaa 5%, balse Elon Musk ayaan ku qancin tirokoobkaas isaga oo u arka inay tahay mid aan xaqiiqo ku fadhidin.

PUNTLAND POST

The post Shirkadda Twitter oo tirtiraysa malaayiin akoono oo been abuur ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this