Sign in to follow this  
Deeq A.

“R/W Xamza kama fileyn inuu sidaan yeelo Mudulood”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa eedeyn culus u jeediyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu sheegay in durba uu faquuq ka billaabay xafiiskiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Muxiyadiin ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in Xamza dhammaan dadkii uu xafiiskiisa u magacaabay uusan kusoo darin hal qof oo Mudulood, xili uusan weli soo dhisin xukuumadiisa, oo sida la rumeysan yahay halbeeg u noqon laheyd hab maamulkiisa.

“10 qof ayaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka shaqeynaysa hal qof oo Mudulood ahna kuma jiro waa diidnay, maalin cad ayaa diidnay ee hada wada-shaqeynteena iyo walaalnimadeena rabtid aan wax isku darsano,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in canshuur bixiyayaasha ugu badan ee dowladda uu yahay gobolka Banaadir, islamarkaana ay tahay inay ka muuqdaan xafiiskasta oo dowladda, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Boqolkii konton dadka ka shaqeynaya xafiiska waa inay ahaadaan dadka deegaanka ee gobolka Banaadir. Canshuur bixiyayaasha Jubbaland ugu badan waa Mudulood waa ogyahay Axmed Madoobe adigana waa ogtahay (Xamzow) Ilaahayna waa og-yahay, canshuur bixiyaasha ugu badan marka Mogadishu Clan laga soo tago waa Mudulood.”

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Shalay ayay aheyd markii aan Axmed Madoobe taageereynay, maanta kama fileyn in la yiraahdo Mudulood xafiiska ra’iisul wasaaraha hal qof ma ka istahilaan in laga siiyo, laakiin Puntland, Jubbaland iyo HirShabelle ayaa istaahila in nala yiraahdo nama qabato.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in uu dib u eegis ku sameeyo arrintaas, maadama dadka gobolka Banaadir ay keyd u yihiin, oo weli dadkooda diyaar ula yihiin difaac.

“Xamzow waxaa ku leeyahay hogaanka Soomaaliyeed waa Mudulood waxay ku noqdeen Ilaahay ayey ka dhigay, deegaankeeda ayey ku noqdeen, canshuur bixintooda ayey ku noqdeen, ciidankooda faraha badan ee qarankooda difaacaya ayey ku noqdeen, waxay ku noqdeen ma aha wax ay iyaga iska dhigeen waa wax Ilaahay ku siiyay quluubtooda iyo niyadooda fiican.”

The post “R/W Xamza kama fileyn inuu sidaan yeelo Mudulood” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this