Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Puntland oo shir la yeeshay Saraakiisha Ilaalada Wadooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1657181388980.jpg?resize=720%2C46

Taliyaha ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa shir laqaatay hogaanka iyo Taliyaasha ciidanka ilaalada Wadooyinka gobolada Puntland.

Kulanka waxaa ka qayb galay Hogaanka ciidanka ilaalada wadooyinka DPL G/sare Cabdi fataax Siciid Saleebaan,Afhayeenka Booliska Puntland G/sare Xassan Cabdullahi Maxamed,Taliyaasha ciidanka Taraafikada Gobolada Puntland iyo madaxda Shirkadda Puntlanl raod sefty com.

Taliyaha Ciidanka booliska Dowladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa warbixin guud ka dhagaystay taliyaasha taas oo ku aadan xaalada nabadgalyada wadooyinka Puntland iyo shilalkii dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay.

S/guuto Maxamed Cali Xaashi Taliyaha ciidanka booliska DPL ayaa hogaanka iyo taliyaasha ciidanka taraafikada uga mahad celiyay dowrka hormarineed ee ay ka qaateen ilaalinta nabadgalyada wadooyinka,wuxuu Taliyuhu bogaadiyay sida Ciidanka ilaalada wadooyinka ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin qabashada shaqooyinka ilaalada wadooyinka, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Puntland oo shir la yeeshay Saraakiisha Ilaalada Wadooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this