Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo si cajiib ah loogu soo dhoweeyey qasriga madaxtooyada Turkey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh maanta loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara.

Madaxweynaha ayaa waxaa usoo baxay oo soo dhoweyntiisa hormuud ka ahaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, halkaasi oo wada-hadallo rasmi ah ay goordhow uga billowdeen.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac.  

Madaxweynaha waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalkan oo qodobo dhowr ah looga hadlayo. 

Labada madaxweyne ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. 

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.
292496853_420294013475077_14376917123886 292509294_420294066808405_85973773551005 Xasan-Erdogan.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Erdogan-Xasan.jpeg?resize=696%2C495&ssl=
 

The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo si cajiib ah loogu soo dhoweeyey qasriga madaxtooyada Turkey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this