Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iiusl wasaare Xamse oo la kulmay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
3.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

 Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Ra’iiusl wasaare Xamse oo la kulmay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this