Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caddaalada Puntland oo hortegay Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1657016811537.jpg?resize=720%2C51

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 16-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta DPL Mudane Cawil Shiikh Xaamud oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda iyo Ku-simaha Taliyaha Ahna Taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta DPL Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cismaan Liibaan iyo Sarkiil ka tirsan Asluubta.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Caddaalada, Dhaqancelinta iyo Xabsiyadda.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caddaalada Puntland oo hortegay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this